Wasiirka Maaliyadda Somalia Dr. C/raxmaan Beyle oo Safar ku tegey Magaalada Kismayo.

Kismaayo. Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyada DFS Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa gaadhay magaalada Kismaayo, Wasiirka waxaa safarka ku weheliya Wasiiradda Wasaaradaha Maaliyada ee Dowlad Goboleedyada DFS.

Waxa Wafdigan ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Jubbaland Cabdirashiid Qalinle iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Jubbaland.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga hadlayo dayn cafinta Somalia.

Info.samawadenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *