Turkiga oo Dardargelin doona wadahadalada Somalia iyo Somaliland.

Dowladda Turkiga ayaa ka hadashay doorka ay ka qaadaneyso wada-hadalada fadhiidka noqday ee Dowladda federaalka iyo dowladda aan weli aqoonsiga helin ee Somaliland.

Turkiga ayaa sheegay in doorka uu ka ciyaari karo wada-hadaladaasi ay yihiin fududeyn iyo dhex-dhexaadin uu ka sameeyo labada dhinac ee Dowladda federaalka iyo Somaliland.

Mevlut Cavusoglu, Wasiirka arrimaha dibeda ee Turkiga oo dhowaan hadal ka jeediyay shirka xiriirka Soomaaliya ee ururka Islaamka, ayaa arrimhaasi ka hadlay, isagoona si cad u sheegay in doorashada la filayo in Soomaaliya ka qabsoomto ay isbedel muhiima u keeni doonto mustqabalka Soomaaliya.

“Waxaanu dalbanay door fududayn iyo dhexdhexaadin ah oo ku saabsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Melvut Cavusoglu oo aan bixin wax faah-faahin dheeriya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *