Trump oo booqasho ku jooga London – Shirka NATO

London. Trump oo booqasho ku yimid London isagoo halkaa uga qayabgalaya shirka NATO (North Atlantic Treaty Organisation) oo Boqorada Ingiriisku sanadkan martigelisay, NATO ayaa 70 jirsatay, inkastoo xilligii uu Trump xukunka maraykanka qabsaday ay jiraan khilaafyo badan oo u dhexeeya Waddamada Europe iyo Maraykanka, gaar ahaan maalgelinta NATO ee mustaqbalka iyo yaraynta lacagta maraykanku ku bixiyo NATO.

Trump ayaa ka horyimid hadal uu hore u yidhi madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Macron ayaa yidhi “Maskaxdii NATO way dhimatay” isagoo markaa waraysi siinayey Jariidada THE ECONOMIST bishii November, isagoo ula jeeday xidhiidh la’aanta Waddamada NATO ka dhex jirta, wakhtigii uu Ciidanka Turkiga ay galeen Woqooyiga Syria.

Trump ayaa sheegay in hadalka Macron ka soo baxay uu gefyahay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Erdogan ayaa isaguna  jawaabay oo yidhi ”Macron naftiisa ayaa maskaxdiisu ku jirtaa xaalad dhimasho ah”

Info.samawadenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *