Taliban oo xoriyadoodii u soo celisay laba nin oo Professors ahaa ayna Afduubeen Sanaddii 2016kii.

WASHINGTON. Jabhadda Talibaanka Afqaanistaan ayaa waxay sii daysay 2 Professor oo ay hore u qafaashatay Sanaddii 2016, 2 nin ayaa waxa la kala yidhaahdaa, Kevin King oo ah American iyo Timothy Weeks oo ah Australian. Waxay macalimiin ka ahaan jireen American University in Kabul.

Dhinaca kale Talibanka ayaa waxay sheegayaan inay 10 ka mid ah askarta Afqaanistaan ay sii dayeen. Talibaanka ayaa dadkani ay xornimadooda u soo celiyeen ayaa waxay dhaafsadeen 3 ka mid ah  Dagaalyahanda Taliban oo laga haystay, magacyadooduna kala yihiin; Annas Haqani, Haji Maali Khan, iyo Hafiz Rasheed Omari, waa sida ay sheeganayaan Talibanku.

info.samawadenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *