Sudan. Raiisal Wasaare Abdalla Hamduk oo sheegay in la dhaqangeliyey Sharci lagu baabinayo, shuruucdii Al-Bashiir.

 Sudan. Xukuumada ku maal gaadhka ah ee Suudaan ayaa ansixisay shuruuc cusub oo laga bedelayo shuruuc hore oo ay samaysay Dowladdii Cumar Al Bashiir ee xukunka laga fara maroorsaday.

Shuruucdan waxa meelmariyey Golaha madaxbanaanida Sudan iyo Golaha Wasiiradda. Sharciyadda la baabiiyey waxa ka mid ah; sharciga tilmaamaya dumarka dhar qaadashadooda iyo Asluubtooda. Kala dirida xisbigii Al-Bashiir, la wareegida Hantidii xisbigu lahaa.

Ururka xirfadlayaasha Suudaan (SPA) ayaa soo dhaweeyey go’aankan, kuna tilmaamay tallaabo horay loo qaaday oo ah jid lagu dhisayo Dowlad Rayid ah oo dimuqraadiyad ah.

Ra’iisal wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa sheegay tani inaanay ahayn Aargudasho, balse ay tahy mid lagu ilaalinayo Sharafta Shacabka Sudan.

Xisbiga Qaranka ee Xukumadii Al-Bashiir ayaa cambaareeyey arrinkan, kuna tilmaamay xukuumada Sudan mid sharci darro ah.

Info.samawadenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *