Shirkadda Shidaalka ee Sucuudiga ARAMCO oo heshay lacag dhan $25.6 Bilyan.

Saudi-Arabia. Sacuudiga ayaa iibisey Saamigii Shirkada Aramco 1.5%, kana iibisay suuqa saamiyada caalamka, ayadoo ka heshay lacag dhan 25.6 bilyan oo dollarka maraykanka ah, dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan  ayaa raba inuu wax ka bedelo dhaqaalaha Sucuudiga, kana kaaftoomo ku tiirsanaaantii wax soo saarka dhinaca shidaalka oo keliya.

Saamigan ay Aarmco iibisay ayaa ah tii ugu badnayd, marka la barbardhigo Shirkadda Alibaba oo 2014kii NewYork ku iibisay Saamiga  lacag dhan 25Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah.

 Sacuudiga ayaa markaasi doonaya inuu Tobanaan Malaayiin oo Dollarka maraykanka ah ku maalgeliyo Mashaariic waaweyn iyo  dhinaca Horumarinta warshado cusub.

 Sucuudiga ayaa doonayey in iibinta saamiga uu ka helo lacag dhan 100 milyan, balse ka noqday markii maalgaliyaasha ay walaac ka muujiyeen isbedelka cimilada, iyadoon caddayn sida ay wax u wado Aramco iyio khatrta siyaasadeed ee ka jirta Gobolka.

Info.samawadenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *