Raiisal Wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamanka DF Mursal oo diiday Ilaalada Ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa rasmi ah amaankooda ugu wareejiyay ciidamo Soomaali ah, halka markii hore ay amnigooda mas’uul ka ahaayeen ciidamo ka tirsan Howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhowr bil ka hor joojiyay shaqadii aheyd sugidda amniga ee ciidamada AMISOM ka haayeen Xafiiskiisa, gurigiisa iyo dhaq-dhaqaaqiisa waxaana lagu wareejiyay Ciidamo Soomaali ah sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan Villa Somalia.

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa amaanka Xafiiskiisa iyo socdaalkiisaba ka wareejiyay Ciidamada AMISOM. Kheyre ayaa hore u joojiyay in ciidamada AMISOM u raacaan safarada iyo socdaalka magaalada gudaheeda, iyadoo todobaadyo ka horna laga wareejiyay amaanka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *