Qarax maanta lala Beegsaday Ciidamada Booliska DFS iyo Injineero Turki ah.

Muqdisho. Qaraxa maanta dhacay ayaa ahaa gaadhii waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday gaadhi ay la socdeen Ciidamo Boolis ah iyo gaadhi kale oo ay saarnaayeen Shaqaale Turki ah oo dhisayey jidka Afgooye iyo Muqdisho u dhexeeya.

Seddex qof ayaa ku dhimatay, Labaatan kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxan Dadka dhaawacyada ah waxaa ku jira 6 Turki ah oo ka mas’uul ahaa dhismaha jidka Afgooye-Muqdisho, waxa kale oo halkaas ku dhaawacmay ku Xigeenka taliyaha Haramacad oo ah ciidamada gaar ah oo Turkigu ay tababareen Cabdiweli Fanax, masuulna ka ahaa Amniga Jidka.

Inf.samawadenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *