Patrick oo ah ninkii u hanjabay Gabadha Somaliyed Ilhan Omar inuu dili doono oo qirtay Dembigiisa.

NEWYORK. Patrick W. Carlineo, Jr. 55 Addison, oo ah Tuulo ku taal konfur galbeed ee Ithaca, New York ayaa qirtay inuu ugu hanjabay inuu dilo doono Senator Ilhan Omar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee maraykanka, matashana Minnesota.

Patrick, waxaa laga yaabaa in lagu xukumo ugu badnaan 10 sanno oo xabsi ah iyo weliba ganaax gaadhaya ilaa iyo $250,000. Waxana la xukumi doonaa 14th February 2020.

Patrick oo la xidhay April 2019, waxaa lagu eedeeyey inuu Xafiiskeeda telefon u diray, weydiiyeyna walaalaha islaamka (Muslim Brotherhood), waxa uu ugu yeedhay Ilhan inay tahay argagaxiso, iyo weliba inay waajib tahay madaxa xabad looga dhufto.

Info.samawadenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *