Nin lagu eedeeyey inuu Tababaro Alshabaab, madaxiisana la dul dhigay $5Milyan qofkii soo sheega meesha uu joogo. (Jehad Serwan Mustafa)

California. Dowladda Maraykanka ayaa waxay sheegtay in nin magaciisua lagu sheegay Jehad Serwan Mustafa, da’diisu tahay 37 jir, kuna koray magaalada Sera Mesa oo ka tirsan San-Diego ee dalka maraykanka lagu soo eedeeyey inuu yahay Hogaamiye sare, taageero weyna siiya argagaxisada geeska Afrika ee Alshabaab. Waxbarashadiisii Dugsiga Sare iyo Collegekaba wuxuu ku qaatay Serra Mesa, wuxuu ka tegey meeshaas 2005kii, isagoo u safray dalka Yemen, kadibna Somalia.

Maalintii Isniintii ayaa xeer ilaaliyaashu ku dhawaaqeen in Mustafa uu ciyaarayo xaalad aad u khatar ah oo kor loogu qaadayo Islamic State, kuwaasoo dilay kumaankun oo dad ah ilaa iyo wakhtigii la asaasay 2006kii.

Xeer ilaaliyaasha California ayaa sheegay in Sanaddii 2009 eedeemo tan la mid ah lagu eedeeyey, 5 Million oo dollarka maraykanka ahna la dul dhigay madaxiisa ciddii sheegta meesha uu ku sugan yahay, waxaa sidaa sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Degmada Koonfurta California.

Mustafa, waxaa kale oo lagu eedaynayaa inuu ka caawiyo tababarsiinta askarta Alshabaab, halwgalada warbaahinta, Qorsheynta weerarada dowladda Somalia iyo Ciidamada Ururuka Afrika, gaar ahaan hogaaminta kooxda qaybta qaabilsan waxyaalaha Qarxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *