Mareykanka oo la sheegay inuu weerar ku qaday Abu Bakar al-Baqdaadi

Milatariga Marekanka waxuu sameeyay hawl gal ka dhanka ah hogaamiyaha Ururka isku magacaabaay khilaafada Islaamka, sidaasi waxaa sheegay warbaahinta Mareykanka.

Wararka sheegaya in Mareykanka uu sameeyay hawlgalkaasi ka dhanka ah Abu Bakr al-Baghdadi ayaanan weli la xaqiijin.

Warkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo uu sheegaya in madaxweyne Trump uu maanta Axadda soo saari doono warbixin weyn ka dib markii madaxweynaha uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in arrin weyn ay dhacday isagoo aan wax faaf-faahin dheerad ah ka bixin.

Waxaa la sheegayaa in hawl galka ay sameeyeen ciidamo gaar ka dib markii ay heleen xog muhiim oo tallaabo lagu qaadi karo, waxaa sidaasi soo weriyay warbaahinta Newsweek iyadoo soo xiganayso ilo wareedyo la xiriira hawlgalka.

Hogaamiyaha Daacish ayaa mar sii horreeysay la sheegay in la dilay balse warkaasi sax ma ahayn.

Aqalka Cad ayaanan xaqiijin hawlgalkaasi amaba wararka sheegayaba in la dilay Abu Bakr.

Waa kuma Baqdadi?

Baqdadi, waa naaneystiisa, waxaana la rumeysan yahay in uu ku dhashay deegaanka Samarra ee Woqooyiga Baqdaad, sanadkii 1971.

Wararka waxay sheegayaan in uu sheekh ka ahaa masaajid ku yaalla Samarra xilligii Mareykanka uu ku duulayay Ciraaq ee 2003-dii.

Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir ahaa xilligii maamulkii Saddam Xuseen. Qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir noqtay muddo afar sano ah oo uu ku xirnaa saldhigga Bucca, oo ah xero ciidamada Mareykanka ay leeyihiin oo ku taalla Woqooyiga Ciraaq.

Xeradaas waxaa lagu xiri jiray hogaamiyayaasha ururka Al-Qacidda ee dalka Ciraaq.

Markaasi ka dib, wuxuu soo baxay asagoo ah hogaamiye ka tirsan Al-Qaciddada Ciraaq, ka dibna kooxdiisii ayaa la aaminsan yahay inay noqotay ururka la baxay Dowladda Islaamka, sanadkii 2010-kii.

Bishii October ee 2011-kii, Mareykanka wuxuu Baqdaadi ku daray diiwaanka argagixisada.

Wuxuu Mareykanka balanqaaday $25 milyan oo dollar oo abaalmarin ah ooo uu siiyo qofkii nolol ama geeri ku keena Baqdaadi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *