Madaxweyne Maxamed Farmaajo oo la kulmay Jaaliyadda Kenya “Siyaasiin hore oo Shaqadoon ah ayaa Xukuumadayda Lugaha Haya”

Farmaajo oo ka hadlay xaalada dalka ayaa sheegay in dowladdiisu xalisay khilfaayadii hore u jiri jiray ee ahaa iska horimaadyadii madaxweynayaasha iyo Ra’isal wasaaraha, Xukuumadahii hore iyo Baarlamaanka, balse mid cusub ay abuurantay, taasoo ah niman siyaasiin hore ahaan jiray oo shaqo doon ah oo raba inay carqaladeeyaan xukuumadiisa.

waxa kale oo uu carabka ku dhuftay inay jiraan Khilaafaad u dhexeeya dowladda iyo maamul goboleedyada, iyagoo raba inay kaba awood bataan dowladdii dhexe, iyo dowladdo Khaliijka ah iyo deriska oo dano gaar ah kale dalka soomaaliya, faragelin badan ku haya. Dhibaatooyinkaas oo dhan ayay dowladdu xakamayn ku haysaa ayuu yidhi Farmaajo.

Ugu dambeyn, waxa uu ganacsatada ugu baaqay inay dayactir ku sameeyaan Safaarada oo dayac badani ka muuqdo.

info.samawadenews@gmail.com – London

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *