Israel. Ra’iisal Wasaaraha Yuhuuda oo lagu soo eedeeyey Musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Israel.  Raiisal Wasaaraha Yuhuuda Benjamin Netanyahu ayaa lagu soo eedeeyey dembiyo ay ka mid yihiin Laaluush, musuqmaasuq, waxana dembiyadaasi ku soo oogay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Israel Avichai Mandelblit. Iyadoo la filayo inay dhacdo doorashadii Seddexaad oo ay isku mari lahaayeen Benjamin iyo ninka la tartamaya.

Netanyahu ayaa isagu beeniyey dembiyadaa lagu soo eedeeyey, waxana uu sheegay in isaga la dulmay, isagoona sheegay inuu noloshiisa oo dhan uu geliyey Dowladda Israel, isagoo hadalkiiisa sii wata waxa uu yidhi “ waan u soo dagaalamay, waan u dhaawacmay, tani waa mid aniga la rabo in la igu sameeyo INQILAAB

Haddii dembiga Laaluushka uu qaatay, haddiyado lagu qiyaasay kumaankun oo Dollarka maraykanka u dhiganta, lagu caddeeyo, waxa uu mutaysan doonaa 10 Sanno oo xadhig ah, dembiga kale ee Musuqmaasuqa, wax isdabamarin isna waxa uu geli karaa Xabsi 3 sanno ah.

Dacwoyinkan ka dhanka ah Raiisal Wasaaraha ayaa kala ah, Dacwadda 1000 (Case – one Thousand), 2000, iyo Dacwadda 4000.

Info.samawadenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *