Governor John Bel Edwards oo ku guulaystay mar labaad Doorashada Louisiana ee cariga Maraykanka.

Washington. Governor John Bel Edwards oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa mar labaad ku guulaystay inuu noqdo Louisiana governor, isagoo halkaasi kaga guulaystay ninka la tartamayey oo magaciisa la yidhaahdo Eddie Respone oo ka soo jeeda xisbiga talada haya ee Republikanka, tani waxay dhabarjab ku noqonaysa Madaxweyne Donald Trump.

Gov. Edward wuxuu ahaa dadka ay bar tilmaam sanayeen Republikanku, waxay ku bixiyeen $2 million si ay uga guulaystaan, Trump ayaa isaguna booqday Louisiana 3 jeer muddo ah 5 usbuuc gudahood, si uu garab u siiyo Respone oo isagu la tartamayey Edward.

Edward oo ka hadlay natiijada kadib ayaa yidhi “Jacaylka aynu wadaagno ee Louisiana ayaa ka muhiimsan kala qaybsanaanteena.” Wuxuuna ku guulaystay in ka badan 19.000 oo cod ah. Rispone ayaa isaguna halkaa ka xaqiijiyey inuu ka xun yahay natiijada lagaga guulaystay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *