Golaha Amaanka oo kordhiyey cunoqabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mudda hal sano ah ku kordhiyay cunaqabateyntii hubka ee saarannayd Soomaaliya, sida hubka waaweyn oo ay ku jiraan madaafiicda, waxyaabaha qarxa iyo lidka diyaaradaha, iyo weliba Qaraxyada laga sameeyo waxyaalaha qarxa.

Hubka fudud oo ay ku jiraan qoryaha gacanta lagu qaato, ayaa isagana  laga doonayaa intaanay Dowladda Soomaaliya iibsanin ay ogeysiiso Guddiga Monitoring Group.

Dacwaddan lagu sii kordhiyay Cunaqabateyntii hubka ee Saarnayd Soomaaliya, waxaa gudbisay dowladda UK, waxaana ka aamusay dalalka Ruushka, China iyo Equatorial Guinea.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *