18 Falastiiniyiin ku dhintay weeraro yuhuudu ay ku soo qaadeen GAZA.

18 Falastiiniyiin ayaa askarta Yuhuudu ku dishay magaalada Gaza ilaa iyo maalintii shalay, 50 kalena way ku dhaawacantay. Dhinaca kale Falasatiiniyiinta ayaa ku garaacay gantaalo gaadhaya ilaa 200, magaaloyin ka mida ah dhulka yuhuudu ay haysato ee Beit Shemesh.

Waa iska horimaadkii ugu xumaa oo muddo bilo ah dhexmara labada dhinac, kadib markii Yuhuudu dishay hogaamiye sare oo ka tirsanaa Islamic jihad laguna magacaabi jiray Baha Abu Al’ata.

Xisbiga ugu weyn ee Xamaas Ayaan isagu ka qaygelin dagaalkan, banaankana ka jooga.

Waxaana lagu rajo waynyahay in Qaramada Midoobey ay soo kal dhexgasho iyadoo kaashanaysay dalka Masar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *