Dayn Bixiyaasha Naadiga Paris (PARIS CLUB) oo Somalia ka Cafiyey $1.4 Bilyan Dayn ay ku Lahaayeen.

Kadib shir dheer oo Qaatay muddo 9 saacadood ah oo khadka internetka uga socday Deyn Bixiyaasha Paris Club loo yaqaan, ayaa go’aan ku gaaray inay deyntii ay ku lahaayeen Somalia oo dhan $1.4 Bilyan laga Cafiyey, iyadoo muddo 30 sanno ah ay Somalia ka hortaagnayd inay hesho, deymo cusub.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Somalia Dr. Abdurahman Beyle ayaa ku tilmaamay arrinkan Tallaabo weyn oo dalkan hore u qaaday, iyadoo dalka Somalia uu soo wajahay dhibaatooyinka ay ka mid yihiin Cayayaanka Beeraha sida Anyaxa iyo Xanuunka Coronaviruska. Mudane beyle waxa uu Idaacadda Reuterska u sheegay inay Paris Club yeesheen wadahadalo mirodhal ah oo muddo socday, wuxuna aad u soo dhaweeyey Deyn cafinta.

Beyle waxa uu intaa ku daray inay wadahadalo gooni gooni ah la yeelan doonaan waddamadan si ay u dhamaystiraan tallaabooyinka laga doonayo inay qaadaan oo sideedii sanno ee ugu dambaysay ay ku jireen, ayna sii wadi doonaan isbedelka & horumarinta dhaqaalaha dalka.

Naadiga Paris waxaa xubno ka ah: Australia, Austria, Belgium, Brazil, Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Israel, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Russian Federation, South Korea, Spain, Sweden, Switzerland, United Kingdom iyo United States of America

info.samawadenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *