Ciidamada Itoobiya ee soo riday Diyaaradii ku dhacday Bardaale oo la ogaaday inaanay qayb ka ahayn AMISOM.

Ciidamada Amisom ayaa caddeeyey in diyaarada laga lahaa Kiiniya, ayna lahayd African Express ee lagu soo riday Bardaale Isniintii, oo ay ku dhinteen 2 Somali ah iyo 3 Kenya ah, ay ahayd khalad dhacay iyo Isgaarsiinta Diyaarada iyo ciidankii halkaa joogay oo aan hagaagsanayn.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Diyaaradan looga shakiyey inay raadsanayso meel ay isku qarxiso iyo argagaxisanimo, maadaama sida ay u soo degaysay aanay hagaagsanayn, haddii aan la soo ridina ay iskeed u dhici lahayd, sababtoo ah lugaha Diyaarada oo aan diyaar ahayn. Ciidanka Itoobiya ee soo ridayna aanay qayb ka ahayn Ciidamada AMISOM. info.samawadenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *