Bill Gates (Microsoft) oo mar kale Qaninimadiisu dhaaftay Jeff Bezos (Amazon), noqdayna ninka adduunka ugu Qanisan.

Ma ogtahay Bill Gates inuu yahay ninka adduunka ugu Qanisan, Bill Gates oo ah Mulkiilaha Microsoft ayaa waxa dhaqaalihiisa lagu qiimeeyaa $110 Billion marka laga soo bilaabo 16th November 2019.

Jeff Bezos oo ah ninka aasaasay AMAZON Company ayaa isaguna lagu qiimeeyaa $108.6 Billion.

October 2019 Microsoft wuxu ka hormaray Amazon kadib markii uu Pentagonka Maraykanka la saxeexday $10 Billion Cloud Computing Contract.

Gates oo ka faalooday canshuuraha, ayaa wuxu sheegay inuu bixiyey in ka badan $10 billion canshuurta dalka maraykanka, waxbana ayna ka dhibayn bixinta ilaa iyo $20 billion.

info.samawadenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *