(Baltimore US), 3 nin oo si khaldan xadhig loogu xukumay dil inay geysteen oo 36 Sanno kadib la sii daayey.

Baltimore, Maryland. United States. Saddexdan nin oo magacyadooda la kala yidhaahdo Chestnut, Watkins and Stewart, ayaa la xidhay Bishii Novembar 1983, kadib markii lagu soo eedeeyey inay dileen Wiil 14 jir ahaa oo la odhan jiray DeWitt Duckett, isagoo qoorta laga toogtay mar uu lugaynaya fasalkiisa iskuulka la yidhaahdo Baltimore.

Kadib markii xabsiga ay ku jireen 36 sanadood shalay, markuu lagu waayey dembigii lagu soo eedeeyey, dacwadoodiina dib loo eegay. Waxa xabsi daa’in lagu xukumay Sanaddii 1984.

Ninka Garyaqaanka ahaa oo la yidhaahdo, Charles Peters, oo la hadlaya Jaraa’idka Baltimore Sun ayaa yidhi “Anigoo ku hadlayaa magaca Garsoorka iyo Caddaalada, waxaan hubaa inaanay idiin samaynayn wax macno ah oo badan Dhalintiinan, waxaan rabaa inaan idinka raali geliyo”

Mid ka mid ah Inamadan la sii daayey oo la yidhaahdo Watkins, ayaa isna yidhi “Tani inay marnaba dhacdo ma aynan ahayn, waa inuu jiraa qof arinkan loo raaco, sidaa uun ku dhaafi kari maysid, dagaalkani weli halkaa kuma dhamaan.

info.samawadenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *