Amnesty ” Masar oo Sirdoonka u isticmaalaysa inay ku burburiso Mucaaradka”

Egypt. Amnesty International oo ah Hay’ad xuquuqda bani’aadamka u dooda, ayaa waxay ku eedaysay in xukuumada masar ay dembiyo aan jirin ama sax ahayn ay ku soo oogayso dadka ka shaqeeya Saxaafadda, kuwa dhaliisha u soo jeediya Dowladda iyo kuwa si nabad ah u sameeya Banaanbaxyo.

Amnesty ayaa soo saartay qoraal ka kooban 60 Baal oo ay ku muujinayso sida Hay’adda sirdoonka ee masar iyo Madaxweyne Abdel Fatah El-Sisi ay ku doonayaan inay ku xakameeyaan Mucaaradka Masar.

Philip Luther oo ah Agaasimaha Amnesty bariga dhexe iyo Woqooyiga Afrika, ayaa yidhi “Sirdoonku wuxu ka cabsiiyaa, xadhigna u geystaa dadka sameeya Bannanbaxyo nabad ah, dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed, kuwa wax ku qora baraha Bulshada, ayadoo dowladdu u adeegsanayo magac Argagaxiso.”

Amnesty waxay intaa ku dartay in 138 dacwadood oo ay eegeen, 56 qof ayaa la xidhay kadib markay qaybqaateen banaabaxyo ama Baraha Bulshada ay qoraalo dhigeen, 76 qof oo iyagana loo xidhay fekerkooda siyaasadeed iyo kan xuquuqda bani’aadamka, 6 kale oo lagu eedeeyey inay ka qaybqaateen isku dhacyo rabshado wata.

Warbixintan Amnesty waxaa kale oo ay sheegeen in Weriyaha ka tirsanaa Aljazeera Mahmoud Hussein oo xabsi ku jira in ka badan 1000 maalmood isagoon wax dacwad ah lagu soo oogin.

 Hussein oo dhalashadiisu tahay Masri, una shaqeeya Aljazeera Television ee laga leeyahay Qatar, waxa la xidhay December 20 2016, isagoo markaasi booqanayay Reerkiisa.

Info.samawadenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *