Alshabaab oo qabsatay magaalo ka mid ah Gobolka Sanaag

Wararka ka imanaya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in guud ahaan Al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Gacan Maroodi oo ay Joogeen maleeshiyaad deegaanka ah, isagana baxay meeshaas. Alshabaab ayaa lagu soo warramayaa inay ka soo degeen Buuraha Calmadow.

Waxana la sheegayaa inay aad ugu soo dhowaadeen degmada Yubbe ee gobolka Sanaag, iyadoo dhinaca kalena ay jiraan ciidamo ku sugan Degaanka oo ka tirsan Ciidamada Somaliland.

Lama oga sababta keentay in wakhtigan ay ciidamada Alshabaab soo gaadhaan Gobolka Sanaag.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *