Algeria oo xukun ku riday 2 nin oo Ra’iisal Wasaarayaal ka ahaan jiray Aljeeriya.

Algeria. Maxkamad aljeeriya ku taal ayaa waxay xiukun ku riday 2 nin oo Ra’iisal Wasaarayaal ka ahaan jiray dalka aljeeriya, iyadoo markaasi lagu soo eedeeyey musuqmaasuq inay sameeyeen, waxana lagu xukumay xabsi dheer, nimankan ayaa magacyadoodu waxay kala yihiin: Ahmed Ouyahia and Abdelmalek Sellal,

Ahmed waxa lagu xukumay 15 sanno oo xarig ah iyo $16,000 Dollar, halka Abdelmalek lagu xukumay 12 sanno oo xarig ah iyo $8,000 Dollar oo Ganaax ah.

Waxa lagu haystaa inay awoodo xukunka dowlada ay ku takri faleen, ayagoo ku soo can baxay Fadeexada wax soo saarka dhinaca Baabuurta.

Waxaan caadi ahayn in Dadweynaha ayaa Telefishanka ka daawanayen xukunkan maxkamada, dowladda oo u caddaynaysa shacabka inay ka dhab tahay wax ka qabadka musuqmaasuqa masuuliyiinta Dowladda.

Tani waxay noqonaysaa natiijadaii ugu horeysa ee baadhitaanada iyo eedaha musuqmaasuqa ee dowladda loo soo jeedinayaa kadib markii uu xukunka ka degey Madaxweynihii hore ee Aljeeriya Abdelaziz Bouteflika April 2019. Ahmed iyo Abdelmalek labaduba waxay xulufo wakhti dheer la lahaayeen Madaxweyne Abdelaziz Bouteflika.

Professor dhinaca sharciga ku takhasusay oo la yidhaahdo Rachid Lerari, ayaa yidhi “Hogaamiyayaasha mustaqbalku waxay laba mar ka fekeri doonaan intaanay ku tagri falin lacagaha Dowladda.”

Info.samawadenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *