Agaasime ka tirsan Dowladda Hoose ee Muqdisho oo ciidanka sirdoonku DFS ay qabteen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Finish ayaa sheegay hay’addaha Sirdoonka dowladda Federaalka ay gacanta ku dhigeen Agaasime ka tirsan Gobolka Banaadir oo doonayay inuu is qarxiyo.

 Duqa Magaalada Muqdisho oo ku sugan dalka Koonfur Afrika, oo la hadlayey Jaaliyadda Somaliyeed ee dalkaas ayaa sheegay in qaraxii uu ku dhintay Guddoomiyihii gobolka Eng. Yariisow iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa Gobolka Banaadir uu fuliyay Agaasime kamid ahaa maamulka Gobolka, balse la qabtay mid kale oo damacsanaa inuu is qarxiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *