13 Askarta Faransiiska oo ku geeriyootay shil laba helicopter oo isku dhacay ayagoo hawada ku jira dalka Mali.

 Mali. 13 qof oo ka tirsan askarta Faransiiska ayaa xalay ku dhintay dalka Mali, kadib markay isku dhaceen 2 Helicopter oo ay lahaayeen ciidamada Faransiiska. Ciidamadan oo la dagaalamayey waxay ku sheegeen argagaxiso ka jirta Woqooyiga dalka Mali.

War ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa lagu sheegay sidan; “Madaxweynuhu wuxu aad uga xun yahay una tacsidaynayaa 13 Askarta ah ee ku dhintay labadan Helicopter iyagoo dagaal ku jira”

Wasiirka Difaaca ee Faransiiska Florence Parly ayaa isaguna mar uu la hadlayey Wakaaladda Wararka ee AFP, sheegay in la bilaabay baaritaano wax layska weydiinayo sida ay wax u dhaceen.

Ciidamo lagu qiyaasay 45,000 ayaa ka jooga Faransiiska gobolkan, iyagoo tababaro siiya ciidamada Ammaanka, kana qaybqaata hawlgalada dagaalka ee looga soo horjeedo Xagjirka Gobolkan. Hawlgalkan dagaal ayaa wuxuu qayb ka yahay Hawlgalka ay ku magacaabeen Barkhane (Barkhane Operation).

Info.samawadenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *